U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida Oromo ee Muqdisho.

Danjire Nicholas Kay ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa ee xalay, kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Kay.

Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay weerarka.

“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

Kay  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray weerarkii xalay

Madaxda ugu sareysa dowladda FederaalkaSoomaaliya iyo midowga Afrika ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii fiidnimadii xalay lala eegtay baarka Oromo.

Dad kor u dhaafaya 15 ruux ayaa ku naf waayay qaraxa halka 31 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan.