U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Cambaareysay Qaraxyada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ka dhacay Muqdisho.

Labo qarax ayaa midka hore waxaa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka  Qaranka ee Muqdisho halka midka 2aadna uu ka ag dhowaa.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada halka dhaawaca uu kor u dhaafay 35 qof,  waxaana dadka dhintay ka mid ahaa wariye Cawil Daahir Salaad.

“Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom.

“Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom.

Goobjoog News