U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Dhiirigelisay Shir Doceedka Afisyooni.

Sheeko:Amniga

Qoraal goordhow kasoo baxay qaramada Midoobey xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankii Afisyooni uu ahaa mid golol dhig u ah shirweyne dhici doona, uuna ahaa mid ay yeesheen qeyb ka mid ah dowlad goboleedyada.

 

Qoraalka oo sidoo kale lagu booriyey in kulanada la sii wado ayaa waxaa ka mid ahaa “Qaramada Midoobey waxaa ay aragtaa inuu maanta dhacay kulan gogol-xadh u ah shirkii loo balansanaa, kaasi oo ay tageen qeyb ka mid ah maamul goboleedyada.

 

Waxaa uu boorinayaa in ay sii socdaan maalmahan shirarka aan rasmiga ah si ay uga dhashaan kasoo qeyb gal laga maarmaan u ah iney ka dhalato kulan lagu fulinayo dhameystirka nooca doorasho ee September 17 “.

 

Hadalka qaramada Midoobey ayaa kusoo aadaya xilli Puntland iyo Jubbaland ay qaadhaceen shir maanta u furmay Madaxweynihii Hore Farmaajo iyo Maamul goboleedyada taageersan.