U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Muqdisho Ku Qabatay Siminaar Sharcigga Badda Caalamiga ah

Sheeko:Dalka

Iyada oo ay Soomaaliya iyo Kenya ka dhex oogantahay dacwad la xiriirta dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay oo ay Kenya sheeganayso ayaa waxa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM uu magaalada Muqdisho kusoo gabogabeeyey siminaar 5 maalmood ah oo ay ka qeybqaadanayeen kaqeybgalayaal Soomaali ah.

Kaqeybgalayaasha oo ka kala yimid wasaaradaha iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa la barayay sida uu u shaqeeyo sharciga caalamiga ah ee baddaha, iyo qaabka loo illaalin karo.

Waxaa shirka gabogabadiisii ka hadlay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badaha Nuur Faarax Xirsi, wuxuuna sheegey in Soomaaliya ay muhiim u tahay kor u qaadista aqoonta la xiriirta sharciga badaha.

“ Soomaaliya waxa ay sharciga caalamiga ah ee UNCLOS saxiixdey 1989-kii, balse Soomaaliya waa ay burburtey, hadda dib ayaan usoo kabanaynaa, waxaanan diyaar u nahay in aan ka qeybqaadano ama raadsano wax allaale wixii xuquuqdeena ahaa” ayuu yiri wasiirka.

Vladimir Jares waa ku xigeenka waaxda baddaha ee Qaramada Midoobey, waxa uu sheegey in mashruucani looga gol leeyahay in Soomaaliya laga caawiyo in ay ka faa’iideysato badaheeda.

Horey ayay UNCLOS dalka Soomaaliya ugu qabatay siminaar loo qabtay xildhibaanada oo wax laga fahamsiinayay qaanuunka badaha.

Waxyaabaha xoogga la saarayo ayaa waxaa ka mid ah xudduudaha badda, ka faa’iideysiga kheyraadka badda, illaalinta iyo difaacista badda iyo xuquuqaha heerka caalami ah ee ay Soomaaliya leedahay.

Goobjoog News