U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Sheegeysa In Daacishta Waqootiga Soomaaliya Ay Badanayaan

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saartay Qaramad Midoobey waxaa lagu sheegay in Daacishta ka jira waqooyiga Soomaaliya ay ku bilowdeen tobaneeyo hadana ay ka badan yihiin 200, warbixintan waxaa ay soo baxday maalmo kadib markii halkaasi ay duqeeyeen ciidamada Mareykanka.

Daacish sababta ay ugu soo badanayaan gudaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka socday Ciraaq iyo Suuriya.

“Daacishta uu hoggaamiye  Sheikh Cabdulqader Muumin, waxaa lagu qiyaasay 2016kii tobaneeyo laakin waxaa ay ka badan yihiin 200 oo dagaal-yahan” sidaasi waxaa tiri koox khubaro ah oo Q.M ka tirsan sida ay warka ku heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii Jimcihii waxaa ka badbaaday  Muumin, waxaana la sheegaa in dagaalyahanna Daacish ee ku sugan Puntland ay ku jiraan kuwoo u dhashay dalka Suudaan iyo carab kale.

Kooxda Daacishta Soomaaliya waxaa ay lacag ka helaan oo ay ku xiran yihiin Islaamiyiinta ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, lamana oga sida ay u saameyn-doonto jabka kooxdaasi loogu geystay Ciraaq iyo Suuriya.

Goobjoog News