U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo soo dhoweysay qabsashada magaalo xeebeedka Baraawe

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Necholas Kay ayaa soo dhaweeyay dib u qabashada magaalada Baraawe oo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen xarakada Al-Shabaab oo muddo lix sano ah maamulaysay.

Kay ayaa qabashada Baraawe ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinaca nabadda iyo deganaanshaha waddanka, isagoo ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab ee wali dagaalka wada in ay hubka dhigaan.

“Waxaan ku boorrinayaa Al-Shabaab-ka harsan in ay hubkooda dhigaan, waa waqtigii nabada iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Kay.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa axadii la soo dhaafay la wareegay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ahayd saldhiga ugu weyn ee xarakada Al-shabaab.