U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Waqti Ku Dartay Joogista AMISOM

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa la sheegayaa inuu sanad ku daray joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM

Qoraal ka koobnaa 13 bog ay soo qortay dowladda Ingiriiska ayaa loogu codeeyey si aqlabiyad ah, iyada 15-ka xubin ay wada ogolaadeen.

Dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Kenya, Niger iyo Tunisia ayaa horay u dalbaday in codeynta dib loo dhigo, waxaa ay dood ka qabeen maalgelinta AMISOM, laakin sida muuqato waa laga diiday.

Niger oo qoraal arrinkan ka qortay ayaa sheegtay in warbixinta soo baxday ee Ingiriisku hormuud ka ahaa, aanu ka tarjumeyn rabitaanka dalalka Afrikaanka ah.

Goobjoog News