U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Soomaali Tababar Loogu Qaday Eritrea ayaa Ka Dagaalantay Itoobiya

Sheeko:Amniga

Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in ciidamo uu tababar ugu diray Eritrea Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loo adeegsaday dagaallo ka dhacay gudaha Itoobiya.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in dhalinyaradan oo ku sugnaa, kuna tababaranayey xeryo ku yaala gudaha Eritrea loo duuliyey dhanka Itoobiya iyaga oo qeyb ka ahaa dagaalo ka dhacay gobolka Tigreyga ee gudaha Itoobiya.

Inkasta oo maamulka Farmaajo marar badan iska diiday warkan, hadana warbixintan Qaramada Midoobey ayaa imaanaya iyada oo dhowr bil ay si joogta ah dibadbax u wadaan waalidiinta caruurta dhashay, taasi oo Villa Somalia iska dhago tirto.

Warbixinta UNka oo looga hadlay xusuuqul insaanka Eritrea ayaa lagu sheegay in dhalinyaro Soomaali oo ahaa oo tababar u joogay dalkasi xoog looga waday xeeyadooda, lana geeyey magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee goobo badan oo Tigreyga ah.

Farmaajo ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Geeska Afrika, waxaa hoggaaminaya Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waxaa kale oo ku jira keligii taliyaha Afwerki oo ah Madaxweyne Eritrea.

Dagaalka la sheegayo in dhalinyaro Soomaaliyeed qeyb ka noqdeen ee ka dhacay gobolka Tigeyga waxaa ku barakacay 2.2 milyan oo qof iyada oo Suudaan u gudbeen in ka badan 60 kun oo qof.

Waalidiinta caruurtaas loo diray Eritrea oo marar badan la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in markii hore caruurtooda xoog lagu waday, hadana loo diray dagaal aaney shaqo ku laheyn iyaga mas’uuliyadda dusha ka saaray Farmaajo.

Waalidiinta qaarkood waxaay Caddeeyeen in NISA u sheegtay in caruurtooda loo wadayo Qatar sababo la xiriira koobka adduunka, laakin xoog loo waday Eritrea iyaga oo codsaday in lasoo celiyo.

Cabdisalaam Yuusuf Guuleed oo horay uga tirsanaa NISA waxaa uu sheegay in 370 oo dhalinyarada ka tirsan ay dhinteen, arrintaan oo aaney Villa Somalia ka jawaabin.