U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Soomaaliya Oo Saxiixdey Qaraar Muhiim u Ah Naafada

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku saxiixday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista Xuquuqda Naafada.

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 178aad ee saxiixa xeerkan dhowraya xuquuqda  Naafada, arrinkaas oo ahmiyadiisa ay ka hadashay dowladda.

Qoraal yar oo ka soo baxay dowladda federaalka, waxaa lagu sheegay “ dowladda Soomaaliya, waxaa ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafadaha ah”.

June 28, 208: Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Goobjoog News