U bood dhigaalka

Qarax Ay Ku Dhaawacmeen 600 Oo Ka Dhacay Equatorial Guinea

Sheeko:Amniga

Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xerooyin  milatari oo ku yaal dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, halka in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Madaxweyne  Teodoro Obiang Nguema ayaa sheegay in qaraxu dhacay 4tii galabnimo Waqtiga maxalliga ah, qaraxa ayaana ka dhashay dayacaad  dayactir  kadib markii ay qaraxday keyd hub ah oo ku dhex yiilay xerooyinka militariga ee ku yaal xaafadda Mondong Nkuantoma ee Bata.

“Saameynta qaraxa wuxuu sababay burbur ku dhowaad dhammaan guryaha iyo dhismooyinka ku yaal magaalada  Bata,” ayuu yiri madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema,

Wasaaradda Difaaca Equatorial Guinea ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dab ka kacay bakhaarka hubka ee xeryaha uu sababay qaraxa .

Waxay sidoo kale  sheegtay in tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaareyso  20, iyadoo intaa ku dartay in sababta  qaraxa si buuxda baaritaan loogu sameyn doono.

Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in laga yaabo in dabka uu sabab u ahaa dadka deegaanka oo gubay beeraha ku teedsan xeryaha.

Muuqaallo uu baahiyay Telefishinka dowladda ayaa muujinayay qiiq aad u fara badan oo kor uga baxaya goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo dadkii badnaa ay carareen.

Sawirro ay qaadeen warbaahinta maxalliga ah oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya dadka oo qaylinaya oo ooyaya waddooyinka dhex ordaya iyadoo ay jiraan qashin iyo qiiq.

Equatorial Guinea, waa dal Afrikaan ah oo ay ku nool yihiin 1.3 milyan oo qof oo ku nool koonfurta Cameroon, waxaa gumeysan jiray Spain illaa uu xorriyadda ka qaatay 1968. Bata waxaa deggan qiyaastii 175,000 oo qof ay dagan yihiin.