U bood dhigaalka

Qarax Caawa Lagu Dilay Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Walanweyn

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah caawa laga helayaa qarax ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo uu ku geeriyooday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Walanweyne.

Qaraxa oo ahaa Bombada canta laga tuuroo ayaa waxaa lagu weeraray hoyga Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Degmada  Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto, isaga oo qaraxaas ku geeriyooday.

Waxaa sidoo kale waxyeelo ay ka soo gaartay,  Aabaha dhalay guddoomiye ku-xigeenkaiyo xaaskii uu qabay sida lagu helaayo wararka ka imaanayo degmada.

Goobjoog News