U bood dhigaalka

Qarax Caawa Muqdisho Ka dhacay

Sheeko:Dalka

Qarax xoogan oo inta badan laga maqalay dagmooyinka qaar ee magaalada ayaa cawa waxa uu ka dhacay dagmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa  gaari nuuca raaxada ah ayaa Afurkii caawa kadib ku  qarxay dhabarka dambe ee xarunta Iskaashatada oo ku taalla Degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir.

Gaarigan ayaa si gaar ah ugu qarxay inta u dhaxeysa Beerta Nabada iyo Guriga Hooyooyinka oo ku dhaw Baraha Kontorool ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Hay’adaha ammaanka ayaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay in gaariga qarxay uu ahaa NOHA islamarkaana la dhigay meel gawaarida lagu dhaqo oo ay ka soo hor jeedaan goobo ganacsi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga bartilmaameedka Qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, maadaama weli goobta ay ku sugan yihiin Hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka dhejiska, islamarkaana hada ay wadaan baaritaanada la xiriira weerarkan.

Todobaadkii tagay ayay aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday xarunta Degmada Wartanabadda, halkaasi oo ay ku waxyeeloobeen masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Goobjoog News