U bood dhigaalka

Qarax Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka sheebbalaha dhexe ayaa sheegay in qarax miino oo ka dhacay tuullo lagu magacaabo Buulo-quute oo hoostagta degmada Balcad ay ku dhinteen dad shacab ah.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxa uuna haleelay dad shacab ah xilli ay ku socdaalayeen wadada xirirsa balcad iyo tuulada Buulo-quute.

Dadka ayaa saarna mootada nooca khudaarta lagu qaado ee seddax lugooleyda ah, waxaana qaraxa ku dhinta dad gaaraya Lix qof.

Shan ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa rag, halka qofka kale uu ahaa qof haweeney ah oo la socotay mootada qaraxa uu haleelay.

Goobjoog News