U bood dhigaalka

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Sheeko:Dalka

War aan goor dhow helnay ayaa sheegaya in qarax xoogan uu haleelay baabuur ay la socdeen dad raiyd ah oo sababay khasaare isugu jirta dhimashi iyo dhaawac.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka Xaawa Cabdi ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Calamada ee u dhow degmada Afgooye isla markaana uu haleelay laba baabuur oo dad badan ay la socdeen.

Labada baabuur uu qaraxa qabsaday ayaa mid ka mid ah waxaa la sheegay in uu gubtay wallow aan la ogeyn tirade dadka ku geeriyooday gaariga bas beelay, halka baabuurka kale uu dhinac ka qabsaday qaraxa waxaana la sheegay in dhaawac iyo dhimasho ay ka dhasheen.

Gawaarida dab dabiska iyo Ambalaasta dhaawaca qaaday ayaa goor dambe halkaas gaaray waxaana la damiyay baabuurkii ay ku dhinteen dadka badan ,iyada oo dhaawaca loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lala eeganayay kolonyo ka tirsan AMISOM oo marayay halka uu ka dhacay qaraxa.

Ugu dambeyntii ciidanka AMISOM ee qaraxaas lala eeganaayay ayaa la sheegay in aysan wax soo gaarin ,balse waxaa halkaas ku dhammaaday dad maato ah oo aan wax galabsan kuwaas oo lagu qiyaasay in kabadan 20 qof.