Qarax Gobalka Gedo Lagula Eegtay Askar Itoobiyaan Ah

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in gobalkaasi qarax lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, waxaana qaraxaasi ka soo baxaya faahfaahinno kala duwan.
Qaraxaan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah islamarkaana lagu diyaariyay qeybo ka mid ah degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay haleeshay gaari ay la socdeen askar Itoobiyaan ah waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qoraal ka soo baxay Al shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda qaraxaasi iyaga oo sidoo kale sheegay in qaraxaasi Miino ay ku dileen 2 askari oo Itoobiyaan ah halka ay 4 kale ay ku dhaawaceen sida lagu xusay qoraalka ka soo Al shabaab.
Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in isku socodka dadka iyo kan gaadiidka ee degmada Garbahaareey uu muddo kooban hakad galay walloow markii dambe uu sidiisii ku soo noqday.
Wali ma jirto war ka soo baxay saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gobalka Gedo oo ay uga hadlayaan qaraxaan maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Garbahaareey ee gobalkaasi.
Goobjoog News
Omstkn yvvxmv Buy online cialis cialis manufacturer coupon 2019
Blkcwn ewlxzi lowest price on generic viagra order cialis online
Naowlo babxch cialis without prescription canadian pharmacy online
Ezkemi khynvq pharmacy online Hblbw