U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Iyo Weerar Toos Ah Oo Lagu Qaadey Hotel Dayax Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxan ayaa waxaa xigey dabley hubeysan oo la sheegay in gudaha ay u galeen Hoteelkaasi, iyadoo halkaasi ay ka socoto rasaas.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan,  hase ahaatee ciidamada dowladda oo gaarey goobta iyo sidoo kale kuwa dableyda weerartay hotelkan ayaa rasaas is weydaarsanaya.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halkaasi si ay usoo daabulaan dadka waxyeellada ay kasoo gaartay.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo halkaasi gaarey waxay sheegayaan in aan loo dhowaan karin Hoteelka rasaas xooggan oo socota awgeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News