U bood dhigaalka

Qarax iyo rasaas laga maqlay xeebta Liido

Sheeko:Dalka

War goor dhaw naga soo gaaray xeebta liido ee magaalada muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay barxada mid ka mid ah hudheelada ku yaala xeebta ee loo nasiinada tago.

Goobjoogayaal ay Goobjoog la hadahsay ayaa u sheegay in marka hore ay maqleen rasaas dhaceysay ka dhib markii dadku ay isku dayayeen iney ka baxaan hotelka ayaa waxaa dhacay qarax sameeyay dhawaq xoogan, waxyna intaa ku dareen iney arkayeen dad dhaawac ah lakiinse aysan sheegi Karin inta uu gaarayo.

Wariyaha goobjoog Bashiir maxamud uu ku sugnaa xeebta liido ayaa shegay iney maqleen rasaas ka dibna uu dhacay qarax lakiin aysan garaneyn dhaawaca iyo dhimashada ka dhalatay waxaase uu intaa ku daray in dadku ay muujinayaan baqdin ayna dhaceyso rasaas aysan garaneeyn cida rideysa.

Xeebta liido ayaa ah meel ay dadku u nasiino tagaan marka ay doonayaa iney nasiino dareemaan waxaana ku yaala baarar iyo hudheelo.

Wixii faaf fahin ah la soco saacadaha soo socda.