U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Dekadda Muqdisho.

Sheeko:Amniga

Qarax xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Dekadda magaalada Muqdisho, gaar ahaan laanta canshuuraha oo ka soo horjeeda Dekadda.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari yar oo lagu soo raray walxaha qarxa, goobta oo aad mashquul badneyd ayaa waxaa ku sugnaa muruqmaatalo u suu shaqotagay dekadda.

Waxaa jiro khasaare soo gaaray dadkii ku sugnaa halkaasi , wallow aad si dhaba loo ogeyn, dhibka  soo garay dadkii Muruqmaatalada ahaa iyo askartii ku sugnaa , waxaa soconayo gurmad laga samanayo .

Taliyaha ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barteeda xiriirka Bulshada waxay ku tiri, “Qarax ayaa ka dhacay laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Muqdisho, ka Soo hor jeedka Dekada weyn ee Muqdisho. Wixii khasaare ah dib ayaan idinka Soo sheegi doonaa.” ayey tiri

Goobjoog News Lasoco wixii ka soo kordho Qaraxa