U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in lala eeganayey gaari ay la socotey guddoomiyaha deegaankaasi Ayaan Xasan Xuseen.

Taliyaha saldhigga Booliiska ee Ceelasha Biyaha Gaashaanle Maxamed Maxamuud Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qaraxan la doonayey in lagu qaarajiyo guddoomiye Ayaan, balse ay ka badbaaddey.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in halkaasi dhaawac fudud uu kasoo gaarey mid kamid ah ilaalada guddoomiyaha, sidoo kalena ay bad qabto guddoomiye Ayaan.

“Qaraxan waxaa la rabey in lagu qaarajiyo guddoomiyaha Ceelasha Biyaha, laakiinse ilaahay ayaa ka badbaadiyey, miinada waxay ahayd mid dhulka lagu aasey, waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah askartii ilaalada u ahayd guddoomiyaha” ayuu yiri taliyaha Maxamed.

Qaraxa kadib, ciidamada dowladda Federaalka oo gaarey halkaasi ayaa billaabay howlgal aan la sheegin natiijadii kasoo baxday.

Guddoomiye deegaanka Ceelasha Biyaha Ayaan Xasan Maxamuud oo aynu xiriir la sameynay si aan wax uga weydiinno qaraxan lala eegtay ayaan inoo suuragelin inaan qadka taleefanka ku helno.

Goobjoog News