U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Degmada Garbahaarey, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Garbaahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu goor dhow ka dhacay qarax waxyeello soo gaarsiiyey dad shacab ah.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay goob lagu shaaho oo ku taalla degmadaasi sida ay inoo sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Afar qof oo shacab ah, islamarkaana kamid ahaa dadkii halkaasi fadhiyey ayaa la xaqiijiyey in goobta ay ku dhaawacmeen, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Dadka qaar oo aynu la hadalnay waxay inoo sheegeen in Miinada lagu soo riday Bac madow, kadibna meel fog laga soo hagey.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo  ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo baaritaan halkaasi ka wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News