U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirasan dowaladda federaalka ayaa waxaa qarax lagula eegtay subaxnimadii saaka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana lasoo sheegayaa khasaare inuu jiro

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka  laga geliyo ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano shanta golaha sare, hakaas oo koontarool ciidan uu ku yaallo iyo maqaaxi lagu shaaho.

Waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidanka, laakiin waxaa jira khasaare dad shacab ah, hal qof ayaa geeriyooday, halka dhaac uu soo gaaray qof kale sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoog News