U bood dhigaalka

Qarax Ka dhacay Kampala oo Khasaare Geystay

Sheeko:Dalka

Dad goobjooyaal ayaa sheegay in arbacii rag aan heybtooda la garanereen ay waxyaabaha qarxa ku tuureen goob lagu ciyaaro oo ku taalla magaalada kampala.
Qaraxan oo ka dhacay Mengo oo ku taalla duleedka caasimadda waxaa ku dhintay ilaa 3 arday halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta ay ku ciyaarayeen 20 arday, dhamaan dadkii dhintay ama kuwii dhaawacmay waxaa loola cararay Mulago Referral Hospital.
Booliiska dalka Uganda oo goobta gaaray qaraxa kadib ayaa bilaabay baaritaan, mana jirto cid sheegatay qaraxa ilaa iyo hadda.
Goobjoog News