U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Marka oo ay Ku Dhinteen 13 iyo Guddoomiyihii Degmada

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose, siaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyey Shaacir oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Marka.

Wararka ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu qaraxa la eegtay guddoomiyaha degmada Marka iyo dadkii la joogay taasi oo keentay inuu geeriyoodo guddoomiye  Cabdullahi Axmed Waafow iyo 12 kale.

Dhaawaca ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan, ilaa 7 qof, ilaa hadda ma jirto cid sheegatay, balse waxaa jira in kooxda Al-shabaab ay dagaalo kula jirto maamulka.

Goobjoog News