U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Libya Oo Ay Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta dalka Libya ayaa waxay sheegeen in qaraxaan ay waxyeello ay ka soo gaartay dad ku tukanayay masjid ku yaallo magaalada Benghazi ee bariga Liibiya .

Bartilmaameedka weerarkaan ayaa waxuu ahaa  hogaamise sare oo ka tirsan ciidamada  hoggaamiyaha Khaliif Xaftar ee ku sugan bariga dalkaasi.

Ilo caafimaad ayaa sheegay in todobo qof ay ku dhinteen weerarkaan qaraxa loo adeegsaday, balse dhanka kale hogaamiyaha qabaliga ah ee Saalax Al-adyuush oo isbaheysi la ah Khaliif Xaftar waxba ma soo gaarin.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday masjidkaan, tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii lagu riday hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamr Ak-qadaafi, Liibiya waxay u go’go’day shabakado ku xiran hogaamiyo koo xeedyo.

Goobjoog News