U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay qarax la sheegay in uu ku xirnaa gaari halkaasi marayey.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxan oo ka dhex dhacay gaari nooca raaxada ah ay ku dhaawacmeen Labo qof, waxaana ka badbaaday qofkii gaarigaasi watey.

Ciidamada Booliiska oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno, lamana oga cidda gaariga wadatey waxa ay ahayd.

Waxa ay ciidanku xireen nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana loo diidayaa iney dadweynaha halkaasi maraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News