U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho oo Xoghaye Xidhibaan Lagu Dhaawacay

Sheeko:Amniga

Xogyaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Axmaad Garaar  ayaa  la sheegayaa in barqanimadii maanta Gaari uu lahaa qarax loogu xiray, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Axmed ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac, iyadoo la geeyay mid kamid Isbitaallada magaalada Muqdisho, Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa saakay ka qeyb galay kulanka golaha shacabka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe hoos u dhacay qaraxyada iyo dilalka, kadib markii caasimadda ay ka howlgaleen ciidan Police Militaire ee xasilinta Muqdisho.

Goobjoog News