U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Seddaxda Geed Oo Dad Ay Ku Dhinteen

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii qof Iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaayad ku taalla Xaafadda Seddaxda Geed ee degmada Shangaani.

 

Ila iyo hadda inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa halka 10 qof ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhacay degmada shangaani.

Wixii Faahfaahin ah ee ku soo kordha kala soco GoobJoog News