U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Wadada Aadda Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo goor dhow ka dhacay wadada aadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu xirey gaari nooca yar yare oo Taksi ahaan u shaqeynayey, waxaana halkaasi ku dhintey darawalkii gaariga kaxeynayey, waxaana dhaawacmay ruux saarnaa sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ka dhow.

Gaarigan ayaa ku dhowaa dhanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka gudbay Koontarool ku yaalla dhanka Isgoyska KM-4, iyadoo la sheegay in garoonka ku wajahnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda wada baaritaanka ku aadan gaarigan qaraxa ka dhex dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News