U bood dhigaalka

Qarax Kale oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne iyo Digniino Loo Dirayo Shacabka

Sheeko:Amniga

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo maanta ay ka dhaceen laba qarax oo loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa mar kale laga maqlay qarax sedexaad, kaas oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xeradii saakay lagu weeraray labada qarax ee Lamagalaay ee magaalada Baladweyne.

Magaalada Baldweyne ayaa waxaa ka jira cabsi xooggan ay muujinayaan bulshada, waxaana sidoo kale la warinayaa in laga cabsi qabo in qaraxyo kale ay ka dhici karaan magaalada, waxaana laamaaha amniga ay shacabka u dirayaan baaq ku aadan in ay ku sugnaadaan guryaha oo dhaqdhaqaaqyada ay joojiyaan bulshada.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa sedexaad, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ku sugan ciidamo ka laamaha amniga, walow qaraxyadii saakay dhacay laga asoo wariyay geerida 10 ruux, halka ay dhaawacmeen 30 kale sida lagu helayo wararka hordhaca ah ee laga soo xigtay laamaha amniga.

Goobjoog News