U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu weeraray Bom nuuca gacanta laga tuuro ah, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka iyo dad shacab ah siada  ay sheegayaan wararka.

Ciidamada la weeraray ayaa waxaa dadku sheegeen in ay ahaayeen kuwa suuqa jooga ee canshuuraha qaada, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa ku geeriyooday laba askari, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray lix iskugu jira ciidan iyo dad shacabka ah.

Ciidamada dowladda oo gaaray goobta lagu weeraray ciidamada ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxyada, walow wali aysan jirin hadal kasoo baxay ciidamada oo ku aadan qaraxyada ciidanka lagu beegsaday suuqa Tabeelaha ee duleedka Muqdisho.

Goobjoog News