U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Isbitaalka Martiini.

Sheeko:Dalka

C/qaadir Cusmaan Faarax ayaa la sheegayaa in uu  u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Miino loogu xiray Gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay geerida marxuumka.

Wuxuuna intaa ku daray guddoomiyaha Xamar Jajab in Dr;yare uu ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Goobjoog News