U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xoogan oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay Warshadda Nacnaca ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaa geystay khasaare isugu jira dhamasho iyo dhaawac.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ka socotay qorista dhallinyaro kamid noqonaya ciidanka xoogga dalka, sida uu Goobjoog News uu u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka oo ka dhowaa goobta.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in qofka isqarxiyay uu ku jiray safafka dhallinyarada dooneysay in ay gudaha u galaan xerada si loo qoro, isaga oo intaas ku daray in ciidanka loo qorayay Imaaraadka iyo xoogga dalka.

Qaraxa ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, qof la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay inuu arkay dad badan oo daadsan dhulka, kuwaas oo aad u badan oo dhimasho iyo dhaawac intaba leh.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta si ay u soo daad gureeyaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa dhacay, waxaana hadda wali xiran goobta uu qaraxu ka dhacay oo dadka aan loo ogoleyn.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo lala eegto goobaha ciidanka iyo meelo kale, waxaana mas’uuliyadda sheegtaAl-shabaab oo dagaal kula jirta ciidanka dowladda iyo kuwa midowga Afrika.

Goobjoog News