U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda qarax lagula eegtay gobolka, kaas oo sababay khasaare oo soo gaaray ciidankii qaraxa lala eegtay, xili ay marayeen duleedka Baardheere.

Warar ayaaintaas ku daraya  in qaraxa lala eegtay gaari uu la soctay taliyaha guutada 10-aad ururka 49-aad qeybta 43-aad ee xoogga dalka Taliye Maxamed Dheere iyo ilaalo la socotay iyagoo ku sii jeeday dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo ciidanka dowladda.

Sidoo kale wararka waxaa ay sheegayaan  in taliyaha iyo saraakiishii la socotay waxyeello dhaawac u badan ay kasoo gaartay qaraxa, wallow lasoo warinayo in taliyaha uusoo gaaray dhaawac culus, waxaana la dhaawacmay tiro ilaaladiisa ah.

Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Baardheere ayaa ciidamada xoogu waxaa ay sheegeen in ay ka gaareen guulo ayna Al-shabab ay kala wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormaroodi ayna ku burburiyeen xarumo ay lahaayeen  sida ay sheegeen.

Goobjoog News