U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Marka

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan inuu halkaas maanta ka dhacay qarax, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Boosteejada laga raro gawaarida Muqdisho iyo suuqa lagu iibiyo Qaadka, waxaana la sheegayaa inuu dhaliyey khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey labo ruux oo shacab ah ayaa uu dhaawac kasoo gaaray sida ay sheegayaan wararka aan helayno,walow sidoo kale la sheegayo khasaare soo gaaray askar ka tirsan dowladda.

Waxaan jirin wax war ah oo weli kasoo baxay maamulka degmada oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoog News