U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Warardheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaarax khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la galiyo ayaa waxaa uu ka dhacay wadada ka baxda degmada ee aada deegaanka Basro oo hoos yimaado Balcad.

Qaraxa ayaa waxaa uu haleelay gaadiid ay wateen ilaalada guddoomiyaha degmada , waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askarta.

Inta la xaqiijiyey waxaa  qaraxa ku geeriyooday 6 askari oo ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha, halka uu dhaawac soo gaaray 4 askari, sida ay sheegayaan wararka.

Al-shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen ay ku dileen askar ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha Balcad, majiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka gobolka iyo kan degamada oo ku aadan qaraxa lagu dilay askarta ka tirsan ilaalada guddoomiyaha degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe.

Goobjoog News