U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Gaystay oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Qarax gaystay khaasaare  dhimasho ah ayaa waxaa uu maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug, kadib markii uu qarax qabsaday gaari la sheegay inuu ku sii jeeday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isaga oo ka yimid magaalo xeebeedka Hobyo.

Gaari ayaa waxaa wararku ay sheegayaan inuu dhowaan kasoo degay Dekadda magaalada Hobyo, waxaana la kulmay xilli uu marayey tuulo lagu magacaabo Bajayle oo gobolka Mudug ah, waxaana uu ahaa qarax miino, kaas uu  ku geeriyooday wadihii gaariga miinadu la kacday.

Marxuumka gaariga waday ayaa waxaa mgaciisa lagu sheegay Cabdishakuur Qoordheere, waxaana gaari laga magaalada Cadaado uu kusoo jeeday, gurmad gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa soo qaaday meydka marxuumka si loo aaso.

Goobjoog News