Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Jowhar

Hirshabeelle. Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaas ka dhacay qarax kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo daawac.

Dad deegaanka ah ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo, oo la dhigay boosteejada baabuurta Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku darayo in goobta ay sidoo kale ku caweyn jireen qaar ka tirsan hey’adaha amniga, mas’uuliyiin iyo shaqaalaha maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey, waxaa uu khasaare soo gaarey das meesha marayey, waxaana geeriyooday hal qof oo ahaa nin da’ ah halka sedex kale uu soo garay dhaacwa.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW