U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Balcad

Sheeko:Amniga

Qarax xoogan oo geystay khasaare ayaa maanta ka dhacay magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii Bam Gacmeed  lagu tuuray goob Maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen ciidan iyo dad mas’uuliyiin ah, sida lagu helayo wararka.

Qaraxa ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay sedex ruux, dadkaas ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha maxmakadda degmada Balcad, guddoomiyaha degmada Mareereey iyo mid kamid ah Nabaddoonnada dowlad goboleedka Hirshibeelle.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle oo la hadlay VOA-da ayaa xusay dadkii Bamka tuuray in ay goobta isaga baxsadeen, laakiin laamaha amniga ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Goobjoog News