U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhintay qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxani ayaa lala eegtay ciidamo saarnaa baabuur Cabdi Bile ah waxaana 5 qof ee geeriyootay lagu sheegay askartii dowladda federaalka.

Qaraxa kadib waxaa halkaas gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowladda waxaana muddo kooban hakad ku jiray isa socodka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye inkastoo markii dambe wadada ay dib u furantay.

Faahfaahinta kala Soco, Goobjoog News