U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Sheeko:Dalka

4 Qof ayaa ku dhawacantay qarax  goor dhaw ka dhacay albaabka hore Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ka dhex dhacay mid ka mid ah basaska rakaabka kasoo qaada Garoonkaasi, kaa oo marayey albaabka hore ee Garoonka Baladweyne.

Sadax  ka mid ah dadka dhawac uu soo gaaray ayaa ahaa Wakiillada Diyaaradaha ka dhoofa Garoonka Magaalada Beledwayne sida ay soo sheegayaan wariyayaasheena ku sugan magaaladaasi.

Gudaha garoonka ayaa laga damiyay gabi ahaanba Isgaarsiintii, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo dowladda Federaalka iyo AMISOM isugu jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News