U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Goldogob ee gobolka Muqdug ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay duleedka degmada, kaas oo ka dhashay haraadiga walxaha qarxa oo haleeshay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo saarnaa gaari Caasi ah, waxaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii la socday gaariga qaruxu haleelay.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka ku aasneyd ayaa ah haraadiga qaraxyadii ku haray dhulka, waxaana inta la xaqiijiyay ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux oo ahaa wadaihii gaariga qaraxu qabsaday, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen dadkii la socday gaariga, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka si loogu dabiibo xaaladdiisa caafimaad, qaarkood ayaa culus.

Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdiqafaar Sheekh Ibaahim oo gaarey goobtu qaraxu  ka dhacay, isagoo tacsi u diray qoyska darawalkii geeriyooday , wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa haleelay gaariga ay la socdeen xilli ay kusii jeedeen degmada Goldogob ee gobolka Mudug, kaas oo ka dhashay haraadiga walxaha qarxa.

Goobjoog News