U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhex dhacay gaari halkaasi marayey, waxaana la xaqiijiyey in Hal qof uu halkaasi ku dhintay mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

Warar horudhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan in gaaariga qaraxa uu ka dhacay ay saarnaayeen askar ka tirsan dowladda, balse weli faah faahin dheeraad ah lagama helin qaraxaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaanno wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News