U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya  degmada Dharkenley  ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegayaa  in galabta uu ka dhacay qarax miino, kaas oo  geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah .

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeyso xaafadda Xoosh iyo Suuq Liif waxaana wararku intaa ku darayaan  lal eegtay gaari uu la socday taliyaha ciidanka booliiska degmada Kaxda , xili uu halkaas marayey.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo mid kamid ah uu yahay wade Mooto Bajaaje iyo qof kale, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen sedex ruux oo kale sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Magalaada Caasimadda ah ayaa waxaa badanaa ka dhaca qaraxyada loo adeegsado miinada kuwaas oo inta badan lala eegto mas’uuliyiin iyo ciidamo dowladda ah  waxaana badanaa waxyeello ay kasoo gaaraan dad shacab ah.

Goobjoog News