U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhahcay Maqaayad Ku Taalla Deegaanka Deynuunay Ee Baay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay maqaayad ku taalla deegaanka Deynuunay ee gobalka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhaawac ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Maqaayadda qaraxa uu ka dhex dhacay ay ku shaahayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wararka ay intaa ku darayaa in halkaasi ay ku dhaawacmeen Afar Askari iyo haweeneydii maqaayadda lahayd.

Dhaawac askarta ayaa loo soo qaaday isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana qaarkood la sheegay in xaaladooda ay tahay mid daran.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran waxay ka wadaan deegaanka Deynuunay oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Baydhaba.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidamo ka tirsan dowladda waxaa qaraxyo lagula eegtay maqaayado ku yaalla gobalada Baay, Bakool Gedo iyo Jubada Hoose.

Goobjoog News