U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Geystay Oo Maanta Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hal Qof ayaa  ku dhaawacmay qarax Bam oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qofka dhawaca uu soo gaaray ayaa ahaa qof biyo ku iibinayay halka qaraxa uu ka dhacay oo ah wadada Labaad ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in aysan jirin Khasaare qaraxaas kasoo gaaray ciidamada  Dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Waxa lagu warmay in qarax  uu ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn Masjidka Abuu Hurayra halkaas oo inta badan ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xaalada halka uu qaraxan ka dhacay ayaa ah mid deggan, waxaana suuqa uu u shaqaynayaa si caadi ah oo ma jirto wax saamayn ah oo uu qaraxan ku yeeshay adeegga Bulshada.

Goobjoog News