U bood dhigaalka

Qarax khasaare sababay oo mar kale ka dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

War goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in qarax khasaare sababay uu ka dhacay garaash ku yaalla xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Ilo la isku halleyn karo ayaa u sheegay Goobjoog FM in gaari horay u yaallay garaashka uu qarxay iyada oo aan la ogeyn in ay walxo qarxa ku xirnaayeen iyo in kale.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan kuwaas oo durbadiiba loola cararay goobaha caafimaadka.

Qaraxyo noocan oo kale ah ayaa kol hore ka dhacay garaash ku yaalla gudaha degmada Hodan.

Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho oo bilihii u dambeeyay ku jirtay jawi degan.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo ku saabsan qaraxan.