U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Dhaliyay oo Ka Dhcay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qarax geystay khasaare oo ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Tareebiyaano degmada Hodan ee gobolka Bnaaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray gaari Saaruf ah, waxaana waxyeello kasoo gaartay afar ruux, oo dhaawac kala duwan soo gaartay, iyagoo ku sugnaa goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta uu ku qarxay gaariga qaxa lagu xiran, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan iyagoo xiray goobta sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Goobjoog News