U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Baladweyne Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay saldhig ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda howl wadaag.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino oo lagu xiray gaari cabdi bile ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Taliyaha Saldhiga Galbeedka Magaalada baladweyne G/ Siraad Cumar Xiish.

Taliyaha ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ka badbaaday, qaar kamid ah ilaalada taliyaha ayaana la sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamada booliiska ayaa qaraxa kadib howl gallo lagu baadi goobayay kooxihii qaraxa ka dambeeyay ka sameeyay xaafadaha Howl wadaag.

Goobjoog News