U bood dhigaalka

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Baraawe

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro gaystay ayaa maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay in kabadan 2qof ayaa ku geeriyooday halka 8 qof uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa oo barqanimadii maanta ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taalla goob laga raaco gawaarida aadda deegaanka Kuunya baroow, ee hoostaga degmada Baraawe.

Laammaha ammaanka degmada Baraawe ayaa baritaanno ka sameeyay xaafadaha magaalada, mana jirto cid illa iyo hadda loo soo qabtay, qaraxa maanta ka dhacay Baraawe.

Goobjoog News