U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Amniga

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah khasaaraha dhabta ee jira.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay maqaarad kutaalla waddada aada garoonka diraayada Boosaso, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxa  looeegtay  Nabaddoono, kuwaas oo kugnaa maqaayadda qaraxa uu  ka dhacay.

Waxaa inta la xaqiijiyey Qaraxa  ku geeriyooday hal qof oo shacab ah, hal ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 ruux, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada, waxaana durbaba goobta  qaraxa ka dhacay yimid ciidammada ammaanka.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan Nabaddoono, kuwaas oo wararku ay sheegayaan in ay la kulmeen wasiirka qorsheynta xukuumadda fedralka ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo soo gaaray magaalada.

Goobjoog News